Naqshadda Guud ee Gegida Dayuuradaha (SAMP)
Mashaariicda Xilliga dhaw
Dib U eegista Degaanka

“Qiimeynta” waa talaabada ugu horeysa ee Mashaariicda Xilliga Dhaw ee SAMP ee dib u qiimeynta degaanka. Kulanka dadweynaha u furan ee ka dhacaya barta internetka waa mid ka mid ah hababka lagu ogaanayo qodobada la doonayo in wax laga qabto ee dib u eegista degaanka, Saaameynta Laga yaabo inuu ku yeesho degaanka, iyo waxyaabaha bedelka u noqon kara.

Waxaa jira habab kale oo aad ra’yigiina ku soo bandhigi kartaan. Macluumaad dheeraad oo ku saabsan sida looga qayb qaato fadlan halkan guji.

KULAMADA U FURAN DADWEYNAHA EE SOO SOCDA
Kulamada oo dhan waxaa la qabanayaa 5:30 – 8:30 fiidnimo.

10 Siteembar
Highline College Student Union Building 8 (Magaalada Des Moines)

* Ka qeybgalayaashu waxa ay gaadiidka dhigan karaan Bariga, Waqooyiga iyo Koonfurta ee Highline College. Shaqaale ayaa jooga goob kasta oo gaadiidka la dhigto oo idin siinaya ogolaashaha dhigashada gaadiidka ee ka qeyb galayaasha.

12Ka Siteembar
New Holly Gathering Hall (Magaalada Seattle – Beacon Hill)

17 Siteembar
Federal Way Community Center (Magaalada Federal Way)

19Ka Siteembar
SeaTac Community Center (Magaalada SeaTac)

Taariikh hore

Waa Maxay Qorshaha Aasaasiga Ah ee Mudada Dheer ee Gegida Dayuuradaha (SAMP)?

Waxaa la filayaa in ay korodho tirada dadka deggan gobolka Central Puget Sound ilaa hal milyan sanadka 2035. Qorshaha Aasaasiga Ah ee Mudada Dheer ee Gegida Dayuuradaha (SAMP) waa mid ka tarjumaya isbedelka ku imanaya Gegida dayuuradaha ee Caalamiga ah ee Seattle-Tacoma si uu ula saanqaado saadaasha iyo baahida mustaqbalka. 30Ka Maajo (May) waxa aynu bilownay 16 todobaad oo olole wacyi gelin ah oo dadweynaha lagu wargelinayo waxyaabihii ugu dambeeyey ee Qorshaha Aasaasiga Ah ee Mudada Dheer ee Gegida Dayuuradaha.

SAMP waxaa ka mid ah Mashaariicda mudada gaaban ee Gegida dayuuradaha ee caalamiga ah ee Seattle-Tacoma ee lagu talo jiro in la dhiso 2027 oo ah waxyaabaha xoogga la saarayo ee qiimeynta degaanka. SAMP waxaa ka mid ah Aragtida Mudada dheer ee Sea-Tac kaasoo ay ka mid yihiin mashruucyada aan lagu sameyn qiimeynta degaanka xilligan, ee u baahan daraasad dheeraad ah laakiin aan la garaneyn xilliga la sameyn doono. Inta aan la dhaqan gelin Mashruuca Aragtida Dheer, waa in la sameeyaa daraasad dheeraad ah oo ku saabsan qorsheynta iyo qiimeynta degaanka ee ku haboon.

Gegidu waxa ay xilligan hirgelineysaa dharaasad dhameystiran ee raadka uu ku yeelan karo degaanka ee SAMP, iyada oo la raacayo sharciyada u degsan (SEPA) iyo Sharciyada Ilaalinta Degaanka ee Heer Qaran (NEPA). Sharciyadan waxa ay waajib ka dhigayaan in dadweynaha si joogta ah looga qeyb geliyo. FAA iyo maamulka gegidu waxa ay idinku marti qaadayaan in dadwaynuhu ra’yigooda ka dhiibtaan kulamada looga hadlayo qoraalada qiimeynta degaanka, Saameynta Laga yaabo inuu ku yeesho degaanka, iyo waxyaabaha bedelka u noqon kara Mashruuca Mudada Dheer. Muddo 60 maalmood ah oo ra’yi lagaga dhiibanayo daraasadda ayaa lagu jiraa taasoo dadweynaha iyo dhinacyada daneynaya fursad u siineysa in ay cabiraan ra’yigooda ku wajahan dhinacyada kala duwan ee qiimeynta degaanka.

Mudada faalo ka bixinta ee dadweynaha
Mudada ay dadweynuhu ra’yigooda ka dhiibanayaan ee mudada u dhaxeysa 30ka Luulyo 2018 ilaa 28ka Siteembar, Maamulka Gegida iyo FAA waxa ay dadweynaha weydiisanayaan in ay ra’yigooda ka dhiibtaan kulamada looga hadlayo qoraalka qiimeynta degaanka, Saaameynta Laga yaabo inuu ku yeesho degaanka, iyo waxyaabaha bedelka u noqon kara Mashruuca Mudada Dheer.

Ujeedada iyo Baahida

Waxa la doonayo iyo sababta loo doonayo

Odhaahda Baahida iyo Qiimeynta waa qeyb muhim oo ka mid ah Nidaamka Qiimeynta Degaanka. Baahida waa tan lagu ogaado waxyaabaha la doonayo in wax laga qabto. Ujeedaduna waa xalka dhibaatada jirta. Baahida iyo ujeedada waxaaa loo adeegsanayaa in ay ka talo bixiyaan helitaanka waxyaabaha bedelka u noqon kara inta ay socoto Qiimeynta Degaanka.

UJEEDADA
Gegida dayuuradaha ee caalamiga ah ee Seattle-Tacoma (Sea-Tac) waa mid laf dhabar u ah adegga gaadiidka cirka ee gobolka. Ujeedada laga leeyahay mashaariicda xilliga dhaw waa in la horumariyo taabagalka hawlgalka, loona diyaargaroobo koritaanka mustaqbalka iyada oo la kordhinayo mugga shidaalka iyo waxyaabaha la xiriira shidaalka.

BAAHIDA
Shan baahiyood oo aasaas u ah mashaariicda xilliga dhaw ee la aqoonsaday waa:

  • Goobaha laga raro rakaabka oo aan ku filneyn in ay daboolaan baahida mashruuca si tayo leh
  • Dhismayaasha oo aan ku filneyn in ay daboolana baahida xamuulka ee gegida
  • U hogaansanaan la’aanta sharciyada Maamulka Duulimaadyada ee dawladda dhexe
  • Dib u dhaca diyaarada oo aad u fara badan
  • Haamaha keydka shidaalka oo aan ku filneyn mashruuca iyo beekhaaminta shidaalka mudada ee Seattle
Talaabooyinka Lagu Talinayo

Mashaariicda Xiligga dhaw ee SAMP

Talaabada lagu talinayo in la qaado waa in la dhaqangeliyo talaabada ugu horeysa ee SAMP, taasoo na fareysa hergelinta 30 mashruuc oo xilliga dhaw ah kuwaas oo horumarinaya tayada, amaanka, adeegga gegida iyo adeegga gargaarka ee diyaarada iyo gegida.

Talaabooyinka lagu talinayo waxaa fure u ah dhismaha goob dheeraad ah oo rakaabka ah, goob dhexe oo dayactirka ah, xarun xamuulka ah oo ka baxsan gegida, dib u habeynta wadooyinka diyaaradaha, iyo balaarinta keydka shidaalka.

Talaabooyinka Lagu Talinayo waxa ay suurogelinayaan qiyaastii 477,000 oo hawlgal diyaaradaha ah sanad kasta iyo 56 milyan oo rakaab ah.

Mashaariicda xilliga dhaw waxa la dhameystirayaan ama kuwa iminka socdaba 2027.

Raadka uu reebayo

Maxaa lagu sameynayaa daraasadda?

Iyada oo qeyb ka ah Sharciga Qiimeynta Degaanka ee Heer Qaran (NEPA), Nidaamka Qiimeynta Degaanka ee Heer Gobol (SEPA), Odhaahda Saameynta Degaanka (EIS), talaabooyinka Lagu Talinayo waxa lagu smeynayaa qiimeyn ku jeedda raadka uu ku yeelanayo degaanka iyada oo loo eegayo qodobo kala duwan. Qeybta soo socota ayaa lagu soo koobay qodobada aasaasiga ah ee la siinayo tixgelinta ee NEPA iyo SEPA.

Tilmaan Bixin:

Waxaanu isu raacinay qodobada ay doonayaan NEPA iyo SEPA ilaa todoba kooxood. Haddii aad jeceshahay inaad ku taliso qodob lagu sheegay mid ka mid ah kooxaha, guji kooxaha hoose kuna qor wixii talo soo jeedin ah goobta laguu baneeyey. Haddii aadan dooneyn, u gudub tan xigta.

Tayada Hawada iyo Cimilada

Tayada Hawada iyo Cimilada Dhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan tayada hawada iyo cimilada.

Waa maxay arrimaha la xiriira tayada hawada/cimilada ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Kheraadka Bayoolajiga Ah

Kheraadka bayoolajiga ahDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Jawiga

JawigaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Haraaga Kiimikada, Qashinka iyo Hortagga Wasaqowga

Haraaga Kiimikada, Qashinka iyo Hortagga WasaqowgaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan haraaga kiimikada iyo qashinka.

Waa maxay arrimaha la xiriira haraaga kiimikada iyo qashinka ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Kheyraadka Taariikhiga Ah, Naqshadeynta iyo Matxafyada

Kheyraadka Taariikhiga Ah, Naqshadeynta iyo MatxafyadaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan bayoolajiga iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka bulshada iyo mujtamaca ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Isticmaalka Dhulka

Isticmaalka DhulkaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Kheyraadka Dabiiciga Ah iyo Ilaha Tamarta

Kheyraadka Dabiiciga Ah iyo Ilaha TamartaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan bayoolajiga iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Sawaxanka iyo Waxyaabaha U Dhigma Joojinta Sawaxanka Ee Isticmaalka Dhulka

Sawaxanka iyo Waxyaabaha U Dhigma Joojinta Sawaxanka Ee Isticmaalka DhulkaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan heerka sawaxanka iyo isticmaalka dhulka ku dhagan.

Waa maxay arrimaha la xiriira sawaxanka iyo waxyaabaha u dhigma yareynta sawaxanka ee Isticmaalka dhulka ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Dhaqandhaqaale Ee Bulsho, Daryeelka Degaanka, iyo Daryeelka Caaafimaadka Caruurta Ee Degaanka iyo Khatarta Amaanka

Dhaqandhaqaale Ee Bulsho, Daryeelka Degaanka, iyo Daryeelka Caaafimaadka Caruurta Ee Degaanka iyo Khatarta AmaankaDhismaha iyo hawlgalka Mashaariicda Mudada Dheer waxaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato habka dhaqandhaqaale ee bulshada, daryeelka degaanka, iyo caafimaadka degaanka ee caruurta iyo amaanka.

Waa maxaya arrimaha la xiriira dhaqandhaqaale ee bulsho, daryeelka degaanka, iyo daryeelka caafimaadka caruurta ee degaanka iyo khatarta amaanka Ma loo baahan yahay in la sameeyo daraasaddan?

Saameynta Muuqaalka

Saameynta MuuqaalkaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan saameynta muuqaalka.

Waa maxay arrimaha la xiriira saameynta muuqaalka ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Khayraadka Biyaha

Khayraadka BiyahaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Gaadiidka

GaadiidkaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Tayada Hawada iyo Cimilada Dhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan tayada hawada iyo cimilada.

Waa maxay arrimaha la xiriira tayada hawada/cimilada ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Kheraadka bayoolajiga ahDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

JawigaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Haraaga Kiimikada, Qashinka iyo Hortagga WasaqowgaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan haraaga kiimikada iyo qashinka.

Waa maxay arrimaha la xiriira haraaga kiimikada iyo qashinka ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Kheyraadka Taariikhiga Ah, Naqshadeynta iyo MatxafyadaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan bayoolajiga iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka bulshada iyo mujtamaca ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Isticmaalka DhulkaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Kheyraadka Dabiiciga Ah iyo Ilaha TamartaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan bayoolajiga iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Sawaxanka iyo Waxyaabaha U Dhigma Joojinta Sawaxanka Ee Isticmaalka DhulkaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan heerka sawaxanka iyo isticmaalka dhulka ku dhagan.

Waa maxay arrimaha la xiriira sawaxanka iyo waxyaabaha u dhigma yareynta sawaxanka ee Isticmaalka dhulka ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Dhaqandhaqaale Ee Bulsho, Daryeelka Degaanka, iyo Daryeelka Caaafimaadka Caruurta Ee Degaanka iyo Khatarta AmaankaDhismaha iyo hawlgalka Mashaariicda Mudada Dheer waxaa laga yaabaa in ay saameyn ku yeelato habka dhaqandhaqaale ee bulshada, daryeelka degaanka, iyo caafimaadka degaanka ee caruurta iyo amaanka.

Waa maxaya arrimaha la xiriira dhaqandhaqaale ee bulsho, daryeelka degaanka, iyo daryeelka caafimaadka caruurta ee degaanka iyo khatarta amaanka Ma loo baahan yahay in la sameeyo daraasaddan?

Saameynta MuuqaalkaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan saameynta muuqaalka.

Waa maxay arrimaha la xiriira saameynta muuqaalka ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Khayraadka BiyahaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

GaadiidkaDhismaha iyo hawlgalka mashaariicda xilliga dhaw waxa ay u badan tahay in ay raad ku yeelanayaan kheyraadka biyaha.

Waa maxay arrimaha la xiriira kheyraadka biyaha ee lagu sameynayo daraasadda Qiimeynta Degaanka?

Ma Jiraan Raad Kale Oo Ay Tahay In Aan Tixgelino?